DHAGEYSO: Derby Waaberi:- Yaa badiyay Abii-xaniifa iyo Macmuur ? “SAWIRRO”

Muqdisho-RisaalaFM- Iskuulada Abii-xaniifa iyo Macmuur ayaa galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada Sare ee Risaala, kaasi oo ay taaba gelinayso Jaamacadda Banaadir.

Labada iskuul Abii-xaniifa iyo Macmuur ee galabta ku tartamay Tartanka Dugsiyada Sare ee Risaala ayaa ku wada yaalla Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Su’aalaha la isku weydiinayo Tartankan ayaa waxa ay yihiin kuwo ku saabsan Afka-Soomaaliga iyo Taariikhda dalka, waxaana looga gol leeyahay hormarinta Afka-Soomaaliga.

Labada iskuul ayaa la weydiiyay min 6 su’aal kuwaas, oo su’aalihii la weydiiyay ku kala bixi waayay bar baro, su’aalo dheeri ah ayaa lagu daray, ugu dambeyn waxaa guuleystay iskuulka Abii-xaniifa.

Iskuulka Abii-xaniifa ayaa waxa uu ku adkaaday dhibco gaaraya 13 dhibcood, halka iskuulka Macmuur oo laga badiyay uu keensaday 10 dhibcood.

Feysal C/laahi Maxamuud oo ka tirsan Guddiga Tartanka Dusgiyada sare ee Idaacadda Risaala ayaa ku dhawaaqay natiijada Tartanka iyo iskuulka badiyay.

Maalinta berri ah waxaa tartami doona iskuulada Al-furqaan iyo Al-muzamil, kuwaasi oo si hordhac ahaan aan ula hadalnay ay inoo sheegeen in ay diyaar garoobeen.

 

DSC_1176

DSC_1151 DSC_1154 DSC_1155 DSC_1158 DSC_1162 DSC_1165 DSC_1173