Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maalinkii labaad galay Barnaamijka Afuri walaalkaaga oo hel laba Ajar, kaasi oo ay qabaneyso Idaacadda Risaala ee Magaalada Muqdisho caasimadda Soomaaliya.
Barnaamijkan oo bilwoday shalay oo aheyd maalinka koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa waxaa lagu uruuriyay lacag dhan 329 Dollar, taasi oo ay bixiyeen shacabka Soomaaliyeed ee ku xiran Idaacadda Risaala kuna kala sugan dalka iyo dibaddiisa, maadaama Risaala meel walba laga dhageysan karo.
Maslax Cabdi Axmed oo ka mid ah saaxiibada ku xiran Risaala oo ku sugan dalka Farasiiska ayaa shalay ku bixiyay Barnaamijaka Afuri oo hel laba Ajar lacag dhan 100 Dollar, taasi oo uu ugu tala galay walaalaha aan iska bixin karin Afurka.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Maxamed C/wahaab C/laahi oo faah faahiyay sababta keentay in la baahiyo Barnaamijkan ayaa waxaa uu sheegay in sanadkan Risaala ay doonayso in la garab istaago dadka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee ku soo barakacay Gobolka Banaadir, kuwaasi oo aan heysan wax ay ku afuraan, Bisha Ramadaan-na lagu guda jiro.



