DHAGEYSO: Ciidamada Booliska oo gacanta ku dhigay nin gacan ku dhiigle ah

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa gacanta kusoo dhigay darawalkii taliyihii hore Hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ,kasoo Muqdisho ku dilay Agaasimihii Maxkamadda Sare ee dalka.

Ninka dilka geystay ayaa lagu magacaabaa Faarax Nuur Xeyle.

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in howlgal ay saameeyeen Ciidamada Booliska in ay ninkaasi  gacanta kusoo dhigeen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu baxsaday ninkaasi markii uu toogtay Agaasimihii Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Mursal Cusmaan.

Afhayeenka Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale tilmaamay in ninkaasi sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad lasoo taagi doono ninkaasi.