DHAGEYSO: Maxaad uga baahan tahay shirka maanta ka furmaya London ?

London-RisaalaFM- Magaalada London ee caasimadda dalka Ingiriiska maanta waxaa ka furmaya shir caalami ah, kaasi oo ahaa mid horey loo diyaariyay qorshihiisa.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi u hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa waxa uu yahay mid shacabka Soomaaliyeed ay wada sugayaan waxa ka soo bixi kara.

Ajandayaasha Shirka London looga hadli doono ayaa kala ah Arrimaha Amniga, Kobcinta dhaqaalaha, Siyaasada, Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-ta Sano ee soo socota.

Shirka maanta ka furmaya Magaalada London ayaa waxaa si wadajir ah u gudoomin doona Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha dalka UK iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxa Qaban qaabada shirkan C/raxmaan Caynte oo la hadlay VOA ayaa sheegay shirkan in uusan aheyn mid Deeq bixin ah, balse uu yahay mid Dowladda Soomaaliya hiilo iyo garab istaag lagu siinayo.