Garowe-RisaalaFM- Wafdi balaaran oo uu hoggaamanayay Cumar Cabdi oo ah ku xigeenka Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa maanta waxa ay gaareen Magaalada Garowe ee caasimadda Maamulka Puntland.
Wafdigan ayaa waxa ay la kulmeen Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ahna sii hayaha xilka Madaxweynaha C/xakiin Xaaji Cumar (Camey).
Kulanka ayaa labada masuul waxaa ku wehliyay wakiilada Hay’adda UNICEF Magaalooyinka Washignton, London, Nairobi, Muqdisho iyo wasiiro ka tirsan Puntland.
Kulanka ayaa markii uu soo idlaaday waxaa warbaahinta si wadajir ah ula hadlay Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar (Camey) iyo Cumar Cabdi oo ah ku xigeenka Guud ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNICEF.



