Codeynta doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa soo gabagabowday , waxaana hadda bilaabatay tirinta Codadka.
Saddexda Musharax ee kala ah Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, Axmed Cali Hilowle iyo Cabdiqaadir Maxamed Shirwac ayay xildhibaanada Galmudug u kala codeeyeen.
Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo ka kooban 89 mudane ayaa badankood xaadir ah.



