Baay-RisaalaFM- Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxa ay ka mid noqotay Degmooyinka laga bilaabay Howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab, oo weli ku harsan Degaano ka tirsan Koonfur Galbeed.
Howlgalladan oo ay iska kaashanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koonfur Galobeed ayaa waxaa laga bilaabay inta u dhaxeysa Degmooyinka Baydhabo iyo Bardaale oo ka tirsan Gobolka Baay.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasadda iyo ammaanka Degmada Bardaale Cali Cadow Isaaq ayaa waxa uu ka hadlay Degaanada Howlgallada laga fuliyay.
Wariyaha Risaala ee Degaanada koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed ayaa warbixinta warkan inooga soo diray Magaalada Baydhabo.


