Kenya “Khasaare ayaa naga soo gaaray heshiiska duulimaadka Muqdisho & Nairobi”

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Khasaare dhanka dakhliga ah uu ka soo gaaray heshiiskii Soomaaliya iyo Kenya ee dhanka duulimaadyada diyaaradaha ee la sii marin jiray Magaalada Wajeer ee dalka Kenya.

Maamulaha Garoonka Diyaaradaha Wajeer Charles Kiong, ayaa  sheegay in laba Milyan oo lacagta Kenya ah una dhiganta $21,240 oo doolarka Mareykanka ah ay khasaareen kadib markii heshiiskaas la saxiixay.

Waxa uu xusay in Diyaaradaha iyo rakaabka mari jiray Wajeer laga qaadi jiray lacagahaasi islamarkaana ay hadda taasi meesha ka baxday.

Juba Airways, African Express, East Africa Safari Express, Freedom Airline, Oceanic iyo  Fan Jet Express, ayaa horay u mari jiray Wajeer maalin waliba marka ay ka duulaan Muqdisho, waxaana hadda meesha ka baxday taas oo waxaa ay dhamaan toos uga baxaan Muqdisho waxaana ay ka degaan Nairobi.

Madaxweynihii hore ee Kenya Kibaki ayaa sanadkii 2006-dii soo rogay in Diyaaradaha ka taga Soomaaliya ay sii maraan Wajeer inta aysan gaarin Nairobi taas oo uu sheegay in ay ahayd kaliya xasilinta amniga gudaha Kenya.

Heshiiska lagu laalay go’aankaas waxaa dhamaadkii bishii March Nairobi ku kala saxiixday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Diyaaradaha ka baxa Muqdisho ayaa hadda si toos ah waxa ay uga degtaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.