DHAGEYSO: Taliska NISA oo Deeq ku wareejiyay Guddiga Abaaraha

Muqdisho-RisaalaFM- Taliska Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayaa Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ku wareejiyay Deeq isugu jirto Lacago, Dawo iyo Raashiin, taasi oo ay iska soo uruuriyeen Ciidanka NISA.

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya C/laahi Gaafow Maxamuud oo ku wareejiyay Deeqdaasi Guddiga Qaran ee Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in Ciidanka NISA ay ka go’an tahay in ay caawiyaan walaalahooda.

Sidoo kale Taliye Gaafow ayaa sheegay bilaha soo socda in ay Guddiga Gurmadka Abaaraha soo gaarsiin doonaan Deeqo kala duwan, kuwaasi oo loogu gar gaarayo dadka dhibaateysan.

Dhanka kale C/laahi Gaafow Maxamuud Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo kale oo NISA ka tirsan in xero Qaxooti ay ka qeybiyeen Deeq.