Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Ciidanka dowladda Itoobiya iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Wadada u dhexeysa degaanka Ceel qoxle iyo sidoo kale degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.
Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay jidka u galeen ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo ka baxay Magaalada Dhuusamareeb ,islamarkaana ku jeeday degmada Ceelbuur ee gobollka Galgaduud.
Dagaalka oo la sheegay in uu socday muddo saacado ah ayaa Ciidanka dowladda Itoobiya waxa ay saldhigo ay ka sameysteen degaano hoos yimaada degmada Ceelbuur.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka dagaalkaasi waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gala gaaray.
Sidoo kale waxaa la sheegaya in Madaafiic ay adeegsadeen labada dhinac in ay waxyeelo kasoo gaartay dadka degaanka.
Ciidamada dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa inta badan waxaa ay dagaal la galaan Shabaab.


