Al-Shabaab ayaa beeniyay in ciidanka dowladda Kenya ay dileen 31 dagaalame oo ka tirsan Shabaab ka dib howlgal ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan degmada Badhaadhe.
Sarkaal u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in aysan jirin wax duqeyn ah oo loo geystay Saldhigyada ay ku leeyihiin Shabaab gobolada Jubbooyinka.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidanka Al-Shabaab ee ku sugan degmada Badhaadhe in ay badqabaan.
Dowladda Kenya ayaa sheegatay shalay in ay dishay 31 dagaalame oo ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ka dib howlgal ay ka fulisay gobolka jubbada Hoose.
Sarkaal u hadlay ciidamada Difaaca dalka Kenya oo lagu magacaabo Joseph Owuoth, ayaa sheegay diyaarado Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Kenya inay duqeeyeen Saldhig Shabaab ay ku sugnaayeen oo 17-KM u jira Degmada Badhaadhe.
Al Shabaab iyo Kenya ayaa dagaal wuxuu ku dhexmaraa inta badan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana adag helida macluumaadka saxda ah ee dagaalka, iyadoo ay sii dheer tahay taasi barobagaandada labada dhinac ay faafiyaan.


