DHAGEYSO: Muxuu Farmaajo ka yiri magacaabista Wasiirada ?

Muqdisho-RisaalaFM- Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, ayaa wuxuu soo dhaweeyay magacaabista Golaha Wasiirada cusub.

Farmaajo oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Madaxtooyada, ayaa soo dhaweeyay magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda.

Waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay tallaabada uu Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre uu maanta ku soo magacaabay Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha, ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in ay codka kalsoonida siiyaan Golaha Fulinta, kolka uu horkeeno Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada cusub, oo wadartoodu guud ay dhan tahay 68 xubnood.

 

kulan-6 kulan1-5 kulan2-5