DHAGEYSO: Puntland oo sheegtay in ay jiraan Shaqsiyaad Amni daro Abuuraya

Wasiirka Amniga maamulka Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay jiraan Shaqsiyaad Qalqalgelinaya Ammaanka degaanada maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa sheegay in Shaqsiyaadkaasi ay doonayaan in ay Amni daro ay ka abuuraan degaanada Puntland.

Ciidamada Amniga ayuu sheegay Wasiir Qarjab in ay u diyaarsan yihiin ay ka hortagaan Weerar kaste oo lagu soo qaado Puntland.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntii Shacabka kunool degaanada maamulka Puntland ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Suggida Amniga.