Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wada isbadel weyn oo lagu Sameynaayo Madaxda Hay’adda kala duwan ee Puntland.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu xilka ka qaado qaar ka mid ah Gudoomiyeyaasha degmooyinka Puntland, gobolada, iyo sidoo kale laamaha Amniga maamulka Puntland.
Magaalada Boosaaso ayaa lagu soo waramaya in ay suurta gal tahay in ay xilka waayaan Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari.
Madaxweyne Gaas ayaa Maalmihii lasoo dhaafay waday Magacaabista xubno cusub iyo sidoo kale xil ka qaadista xubno ka tirsan maamulka puntland.
Shalay ayay aheyd Markii Madaxweyne Gaas uu magacaabay labo xil oo kala ah gudoomiye ku xigeenka koowaad ee gobolka Nugaal iyo sidoo kale Gudoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Maamulka Puntland.
Sidoo kale dhamaadkii Bishii lasoo dhaafay ayaa Agaasime cusub loo magacaabay Madaxtooyadda Puntland.
Ilo ku dhow Xarunta Madaxtooyada Puntland ayaa Risaala u sheegay in sidoo kale Madaxweynaha uu maalmaha soo socda uu Isku shaandheyn ku sameyn doono xubnaha golaha Wasiirada Puntland.
Madaxweyne Gaas ayaa loo soo jeediyay dhaliilo kala duwan oo ay ka mid yihiin in xukuumadiisa aysan horay u socod aheyn , waxaana uu doonaya in uu sameeyo isbadel weyn.



