Karim Benzema oo Dib Ugu Laaban Kara Qaranka France

Macalinka xulka qaranka France ee Didier Deschamps ayaa sheegay inuusan wax cuqdad ah u heyn xidiga weerarka kaga ciyaara xulkiisa qaranka ee Karim Benzema kaasoo seegay tartankii Euro 2016 iyo kulamo kale oo waa weyn oo xulkiisa France ay ciyaareen wuxuuna macalinkaan sheegay in weeraryahanka Real Madrid uu ku soo laaban karo qaranka,

Benzema ayaana lagu arag maaliyada qaranka tan iyo markii ay baaritaan ku bilaabeen booliska dalkisa bishii November 2015 iyadoo lagu eedeyay inuu ka qeyb qaatay muuqaal anshax xumo ah oo ka dhan ah saaxibkiisa xulka France ee Mathieu Valbuena waxayna seegeen Euro 2016, wuxuuna weeraryahanka durba ku eedeeyay Deschamps iney cunsuriyad ku kaliftay inuu ka saaro qaranka.

“Wixii dhacay hada waa laga dhamaaday, ma dareemayo inaan wax xumaan ah u haayo isaga (Benzema) ” ayuu Deschamps u sheegay Le Parisien.

“Ciyaartooy kale oo badan ayaa igu sameeyay wax aanan akhlaaq ahaan suubaneyn laakin taasi igama aysan joojin inaan u yeero, in waajibaadka qaran la guto ma ahan wax lagu sameeyo jaceyl qofeed, hadii aan dareemo iney u wanaagsan tahay xulka inaan dib ugu yeero  Karim, dabcan waan u yeeri doonaa, aniga go’aanada aan sameeyo waxay ku xiran yihiin kaliya asbaabo kubadeed, waxaan marwaliba nafteyda weydiyaa hadii arinkaan uu yahay mid u wanaagsan kooxda”.

“Karim wuxuu kamid yahay weeraryahanada ugu fiicna ee ay heysato France, wax walibana wey dhici karaan, Lassana Diarra uma uusan ciyaari qaranka France mudo shan sano ah hadana wuu ku soo laabtay, cidna ma ogaan karto waxa dhici doona”.