Muqdisho-RisaalaFM- Wuxuu ahaa mid ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, marka aad milicsato baaxadda uu gaarsiisan yahay khasaaraha ka dhashay.
Waxaa la xaqiijiyay in dad ka badan 35 qof ay ku dhinteen weerarkan oo uu fuliyay nin Ismiidaamiye ahaa, oo sida la sheegay saarnaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa.
Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), ayaa waxay sheegtay in ninkii weerarkan fuliyay uu watay gaari uu noociisu ahaa Harrier.
Dadka weerarkan ku waxyeeloobay oo u badnaa dad rayid ah, ayaa waxaa intooda badan la gaarsiiyay Isbitaalka Madiina.









