Xilli Shalay dooni u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed oo kusoo jeeday degmada Hobyo ee gobolka Mudug ay ku degtay xeebaha dalka Yemen ayaa arintaasi waxaa faahfaahin ka bixiyay maamulka Galmudug.
Maareeye ku xigeenka Dekedda degmada Hobyo ayaa sheegay in doonidaasi ay u rarneyd Ganacsato kasoo jeeda degaanada maamulka Galmudug.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in doonidaasi ay Siday Gaadiid iyo sidoo kale Badeecooyin kala duwan.
Doontaan ayaa afar cisho ka hor ka soo baxday dalka imaaraadka carabta .
Waxaa Sidoo kale uu tilmaamay in Shaqadda dekedda degmada Hobyo ay si wanaagsan u socoto ,islamarkaana badeecooyin kala duwan laga soo dejiyo.
Sikastaba shalay ayay aheyd Markii dooni u rarneyd Ganacsato Soomaaliyeed ay ku degtay xeebaha dalka Yemen.


