Daawo:Madaxweyne Farmaajo muxuu kala hadlay musharixiintii madaxweyne?


Madaxweyne Farmaajo ayaa hotelka uu deganyahay ku qaabilay musharixiintii uu xilka madaxweynaha uga guulaystay intooda badan kuwaas oo uu isbahaysi la ahaa xilligii ololaha madaxweynanimo.

muadane Farmaajo ayaa la filayaa inuu kala hadlay musharixiintii madaxweynaha aragtidooda ku aadan R/wasaaraha uu soo magacaabi doono 30 maalmood ee soo socota, waxaa la filayaa inuu ka yimaado Rwasaaraha musharixiinta mid ka mid ah madaama ay dadaal dheer soo wada galeen.

madaxweyne Farmaajo oo hal maalin xilka haya ayaa tan iyo doorashadiisii kulmao gooni gooniya la lahaa masuuliyiinta Soomalida iyo beesha caalamka.

madaxweyne Farmaajo oo aan weli xilka la wareegin ayaa hadda shaqadiisa si toos ah u bilaabay maadama xilka loo dhaariyey isla saacaddii uu ku guulaystay , waxaana la filayaa in dhawaan uu usoo wareego madaxtooyada dalka markii la caleema saaro halkaas oo uu hadda madaxweynihi hore weli sii joogo.

madaxweyne Farmaajo waxaa laga sugayaa muddo 30 cisho gudahood ah inuu ku soo magacaabo Wasiirka koobaad ee xukuumadda cusub oo isha lagu wada haayo cidda uu u xulan doono.

IMG_0184 IMG_0185 IMG_0186 IMG_0187 IMG_0188 IMG_0189 IMG_0190