Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa eedeeyn kulul u jeediyay Madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen in Madaxweyne Guuleed uu xasilooni daro siyaasadeed uu ka wado degaanada maamulka Galmudug.
Waxaa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay gutaan waajibaadkooda , islamarkaana ay ka taliyeen sidii Galmudug ay u yeelan la heyd hoggaan cusub.
Hadalka kasoo baxay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa waxaa uu kusoo beegmaya xilli shalay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Galmudug oo loo diiday in uu ka degto Cadaado.
Horay ayay u sheegeen xildhibaanada Galmudug in ay doonayaan in ay doortaan hoggaan cusub.


