Man United oo isha ku heysa ciyaaryahan Sergio Busquets

Manshester United ayaa ku soo biirtay loolanka loogu jiro Barcelona xiddigeeda Sergio Busquets, sida ay sheegayaan wararka Spain.

Red Devils ayaa isha ku heysa inay xoojiso kooxdeeda xagaaga dambe, waxaansa uu ka mid yahay  27-sano jirkaan bartilmaameedka No1 ee diirada ay saari doonto.

United ayaa rajeyneysa in ay ku garaacdo tartankaan deriskooda Manchester City iyo kooxda Faransiiska ee PSG oo hardan ugu jira saxiixa laacibka Spain.

sida laga soo xigtay wargeyska Spanish Sport, saddexdaan koox ayaa ku dagaalami doona hadda saxiixan.

Manchester United dalab ka gudbisay khadka dhexe ee Barcelona Sergio Busquets