Gudoomiyaha Golaha Yurub, Donald Tusk, ayaa si toos ah ugu baaqay dadka sharci darada ku imanaya Turub, isagoo u sheegay “ha imaanin Yurub” wuxuu sheegay inaysan aaminin dadka sharci darada ku soo qaadaya, oo aysan ku aaminin noloshooda iyo lacagtooda.
Mr Tusk oo ka hadlayay magaalada Athens ee Gariiga, ayaa sheegay in dadka sharci darada ku yimid Yurub aysan ka gudbi doonin Gariiga.
Wuxuu sidoo kale ku baaqay in la soo celiyo habka Schengen ee baasaboorka la’aanta la isaga Yurub dhexdeeda, laakiin la adkeeyo xuduuddaha.


