Guardiola oo sheegay in kooxdiisa City ay 10 sano ka danbeyso Man United

Pep Guardiola ayaa aaminsan in kooxdiisa Manchester City iyo kooxda ay ku xafiiltamaan Magaalada Manchester ee Manchester United,  ay u dhaxeeyo 10 sano farqi ah.

Citizens ayaa ku guuleysatay dhowr koob tan iyo sannadii 2010 oo ay ku jiraan labo koob oo Premier League-ga ah, iyo labo koob oo League Cup ah, iyadoona a hadda ku riyooneysa inay laqaado koob macalinkeeda cusub ee Guardiola xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, tababarihii hore ee Barcelona ayaa shaaca ka qaaday, in kooxdiisa sanadaha soo socda ay ku hami weyn tahay inay ku guuleysto Champions League-ga, ayagoo kaga dayanaya kooxda ay diris wadaaga yihiin ee United.

Sida aynu kasoo xiganay Wargeyska Daily Mirror, Guardiola ayaa yiri: “Ma waxay leeyihiin taariikh la lamida, tan Barcelona, Juventus, Bayern Munich ama Manchester United ay leeyihiin,  Ma ahan waxa aan ka hadlayo horyaal”.

City ayaa haatan ka qeyb qaadaneysa koobka Champions League lixdii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay oo uu ku jiro xilli ciyaareedkan 2016-17. Kooxda Guardiola ayaa ka hortageysa AS Monaco labada lugood ee wareega 16-ka tartanka sanadkan, kasoo dhici doona bilaha February iyo March.