Maxkamad Militari oo Israa’iil ah ayaa la filayaa inay go’aan ka gaarto kiiska askeri lagu dacweeyay inuu si ula kac ah u dilay qof Falastiin oo dhaawac ahaa, kaas oo askeri kale middi ku duray.
Elor Azaria, oo hadda 20 sano jir ah, wuxuu toogtay Cabdul Fatax al-Sharif, oo 21 sano jir ahaa. Wuxuu xabadda uga dhuftay madaxa.
Arrintan ayaa bisihii Maarso ee sanadkii tagay ka dhacday degaanka Hebron ee daanta Galbeed.
Dadka Israa’iil ayaa aragti ahaan ku kala duwan kiiskan lagu oogay askeriga.
Kuwa badan waxay ku doodayaan in askeriga lagu ciqaabo inuu ku xad gudbay xeerka anshaxa militariga. Halka kuwa kalena ay ku doodayaan in ficilkii uu sameeyay qiil loo haayo.


