Koonfur Galbeed ayaa beenisay in uu tanaasulay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Ku simaha Madaxweynaha Koonfur Galbeed Maxamed Xasan Fiqi ayaa sheegay in aysan dhici doonin in uu tanaasulo Madaxweyne Shariif.
Waxaa uu sheegay in uu ku yimid Shariif Xasan codka Shacabka kunool degaanada maamulka Koonfur Galbeed ,islamarkaana uu diyaar u yahay in uu qabto xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Dowladda Itoobiya ayaa horay ugu cadaadisay madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed in uu tanaasulo.
Waxaana la sheegaya in Shariif xasan uu diiday arintaasi ,islamarkaana uu wali ku adkeysanayo in uu yahay Musharax.


