DHAGEYSO: Ciidanka Booliska Puntland oo codsi u diray madaxweyne Gaas

Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdiqaadir Faarax Shire Erag ayaa ugu  baaqay Madaxda maamulka Puntland in ay tayeeyaan ciidanka Booliska Puntland.

Waxaa uu sheegay in ay muhiim tahay in ciidanka Booliska ay helaan Gaabayaashii ay u baahnaayeen .

Sidoo kale Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Booliska Puntland ay u baahan yihiin tababaro kala gedisan sida ay u gutaan shaqadooda.

Cabdiqaadir Faarax Shire Erag ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay shacabka kunool degaanada maamulka Puntland in ay la shaqeeyaan ciidanka Booliska.