Marcus Rashford, Arsene Wenger, Jack Butland, Gerard Pique
Weeraryahanka kooxda Manchester United Marcus Rashford, oo18 jir ah, ayaa lagu wadaa in lasiiyo qandaraas cusub oo ah £ 15,000-mid uu ku qaato isbuucii ,labadisii kulan ee ugu horeeyay wuxuu dhaliyay afar gool (Sun)
Chelsea ayaa ku dhow inay cadeyso Tababaraha Italy Antonio Conte inuu noqon doono tababare cusub, iyadoo 46-sano jirkaan uu saxiixi doono heshiis seddex sanno ah oo ku kacaya £ 18m. (Express)
Barcelona dafaceeda Gerard Pique ayaa sheegay in uu marna ku biiri doonin Manchester City oo uu imaan doono tababarihisii hore ee Manchester United. Laakiin 29-sano jir ah waxaa laga yaabaa inuu u wareego Colombia sababtoo ah Shakira ayaa jecel halkaas. (AS)
liiska dhaawaca Manchester United ayaa kor u kacay ,isagoo gaaray 17 ciyaaryahan oo kooxda koowaad ah ,waxaana hadda ku darsamay daafaca Scotland Donald Love, oo 21 jir ah, kasoo ka baxay garoonka (Manchester Evening News)
Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa la ceyrin doonaa hadii Leicester ama Tottenham ay ku guuleysataan Premier League xilli ciyaareedkan, sida uu leeyahay ciyaaryahankii hore ee Gunners Paul Merson. (Sky Sports)
Goolhayaha kooxda Stoke iyo England Jack Butland, oo 22 jir ah, ayaa mushaar ahaan la gaarsiin doonaa £ 50,000 toddobaadkii haddii uu saxiixo heshiis cusub oo shan sanno ah. (Mirror)
Weeraryahanka reer Belgium Christian Benteke, oo 25 jir ah, ayaa iib ka ah kooxda Liverpool. (Sun)
West Brom ayaa sheegtay in weeraryahanka Saido Berahino,oo 22 jir ah, uu ka tagi doono kooxda marka Tottenham ay bixiyaan £ 24m
(BBC Radio 5 live)


