Sawiro: Deeq lacageed oo la gaarsiisay caruur ay hooyadood ku dhimatay qaraxyadii muqdisho

Wasiirro ka tirsan Xukumadda Soomaaliya oo kala ah Wasiirka Warfaafinta  Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Axmed Xasan Gaboobe ayaa maanta  booqday Caruur ay dhashay Hooyo Soomaaliyeed oo ku dhimatay Qaraxii 4 Cisho ka hor ka dhacay Taaladda SYL ee muqdisho.

Caruurta oo gaaraya ilaa 7 Ruux ayaa waxaa  nolol maalmeedkooda u raadin jiray Allaha u naxariistee Isniino Maxamed Maxamuud oo ka shaqeyn jirtay  qeybta Nadaafadda maamulka gobolka Banaadir,waxaana ay ka mid aheyd dad Shacab ah oo ku dhintay qaraxii SYL.

Wasiiradda maanta u tagay Caruurtaasi ayaa sheegay inuu soo diray Madaxweynaha Soomaaliya si loogu Tacsiyeeyo Caruurta ay Hooyo la’aantu ku dhacday.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Axmed Xasan Gaboobe ayaa Caruurta ay Hooyadood dhimatay ku wareejiyay Lacag Kun Dollar ah oo loogu talo galay Caruurta, waxaana uu xusay in ay Xukumadu wado dadaalo kale oo lagu ogaanayo Xaaladda Caruurta.

1 2 4 5 6 7 8