Dagaal ka socda Galbeedka Magaalada Kismaayo

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka dowladda iyo dadka degaanka oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa hada ka socda degaanka Berxaani ee Galbeedka magaalada Kismaayo.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay ka dib markii  Al-Shabaab ku dhawaad 9-qof oo xoolo dhaqato ah ay ku dileen Degaano ku yaalla Galbeedka Kismaayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa Galbeedka Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacaayay dagaallo u dhaxeeya dad Xoolo Dhaqato ah iyo Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha amniga Maamulka Jubbaland ayaa horay u sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay garab taagan yihiin dadka shacab ah ee dagaalka kula jira Al-Shabaab.