Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay kusoo waramayaan in halkaasi ay gaareen Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Maxamed Aaden Axmed.
Wafdi ayaa la sheegaya in sidoo kale uu ka mid yahay Safiirka dowladda Ingiriiska u Fadhiya Soomaaliya.
Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.
Ujeedada ay u gaareen Baydhabo ayaa waxa la sheegaya in ay tahay taageerida ciidanka Xoogga ee ku sugan degaanada maamulka Koonfur Galbeed.


