Doorashada Aqalka Hoose ayaa Maanta lagu wadda in lagu soo gabagabeeyo magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland.
Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Puntland oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in doorashada Aqalka Hoose uu qorshuhu yahay in maanta lasoo Afjaro.
Xildhibaanadii ugu dambeeyay ee ka mid noqonaya xubnaha ka imaanaya degaanada maamulka Puntland ayaa maanta lagu wadaa in lagu doorto Garoowe ka dibna doorashada lasoo gabagabeeyo.
Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug ayaa xalay lagu soo gaba gabeeyay Doorashada Aqalka Hoose oo mudo ka badan bil ka socotay Magaaladaasi.
Sidoo kale Doorashada Aqalka Hoose, waxaana lagu soo gabagabeeyay Magaalooyinka Kismaayo , Jowhar iyo Baydhabo.


