Mas’uuliyiinta garoonka diyaaradaha Kenya ayaa xalay si ku meel gaar ah u xiray Maddaarka Caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ka dib markii diyaarad ka tagtay Soomaaliya ay shil burbur u geystay garoonka ay ku gashay halkaasi.
War qoraal ah oo ka soo Madaxda garoonka Jomo Kenyatta ayaa lagu sheegay in dhacdadaan ay saameyn ku yeelatay adeegyadii ka socday garoonka , islamarkaana muddo is kumeel gaar ah loo xiray garoonka.
Gudoomiyaha Garoonka Jomo Kenyatta ayaa wariyeyaasha u sheegay in diyaarad laga leeyahay Soomaaliya ay shil ku gashay gudaha Garoonka , islamarkaana burbur aan badneyn uu soo gaaray garoonka.
rakaabkii saarnaa diyaarada oo Soomaali u badnaa waxyeelo masoo gaarin sida uu sheegay gudoomiyaha Garoonka.
Diyaaradihii kasoo degi jiray garoonka ayaa xalay loo weeciyay Garoonka Magaalada Mombasa iyo garoomo kale.
Garoonka Jomo Kenyatta ayaa ka mid ah garoomada ugu mashquulo badan Qaarada Afrika.


