Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe maanta waxaa lagu qabtay Doorashada xubnaha xildhibaanada Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Hirshabeelle.
Doorashadan maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ku soo baxay ilaa Saddex Mudane, kuwaas oo kala ah:-
- Maryan Axmad Haaruun oo ku soo baxday 32 cod
- Max’uud C/laahi Axmad oo ku soo baxay 38 cod
- C/rasaaq Axmad Maxamed oo ku guuleystay 28 cod
Doorashadii maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa aheyd mid xiiso badan, maadaama ay ku tartamayeen siyaasiyiin caan ah.
Magaalada Jowhar ayaa ilaa iyo hada waxaa lagu doortay 24 xildhibaan, waxaana dhiman 13 Mudane, maadaama Degaanada Maamulka Hirshabeelle ay ka imaanayaan 37 xubnood.


