Magacyada xubnaha Aqalka Hoose ee ku soo baxay Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe maanta waxaa ka dhacday Doorashada wajigii Saddexaad xubnaha Aqalka Hoose ee ka imaanaya Degaanada Hirshabeelle.

Doorashadan maanta ka dhacday Magaalada Jowhar ayaa waxaa ku soo baxay Saddex Mudane oo ka mid noqday Baarlamaanka cusub.

Xubnaha maanta la doortaya ayaa waxa ay kala yihiin Cumar Cusmaan Waasuge (Cumar Riinge), Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Farxiyo Muumin Cali.

Maalinta beri ah ayaa sidoo kale la filayaa in Doorashada Aqalka Hoose ay ka sii socoto Magaalada Jowhar, waxaana Doorashada ay tahay mid si habsami leh ku socota.