Wasiir Qaloocow oo kulan la qaatay Madax ka tirsan Hay’adda USAID

Wafdi uu hogaamayo wasiir ku-xigeenka wasaarada qorseynta iyo iskaashiga caalamiga xukuumada somaaliya prof Cabdilaahi sheikh Cali(Qaloocaw). Oo  safar shaqo  ah u jooga dalka Mareykanka ayaa la kulmeen madaxda Hay’adda USAID ,oo dowladda Mareykanka u qaabilsan mucaawinooyinka dunida.

Wafdigaasi iyo mas’uuliyiinta kale ee ka socday hey’addaasi  waxayna ka wada hadleen sidii mucaawanada USAID ay u noqon lahayd mid waxtar muuqda u yeelan karta ,isla markaana ay noqoto mid ku jaango’an orshaha Horumarinta Qarankan (NDP).

Iyadoo mas’uulayiinta  Hay”adda USAID  waxay  bogaadiyeen  Dowladda Soomaaliyeed dadaalka dheer ee ay u gashay sameynta qorshaha Qarankala Soomaaliyeed iyo dib u dhiska  Kaabayaasha   dhaqaalaha  iyo hormarka dhinc walbo ay   gaartay dowladda  Soomaaliya .

Wasiir ku xigeenka ayaa  sheegay in qorshaha hormarinta Qaranka Soomaaliyeed diyaarintiisu  ay  ahayd mid Soomaaliya oo dhan guuul u ah  isla amrkaana  wadatashi laga yeeshan  madaxda dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobalada dalka,

“Waxaan wadatashi aan la yeelanaya xubnaha dowlad gobaleedyada iyo  dowladda federaalka wassaaradoahooda waxaana  naga wada go’naa  sidii wadanka aan ugu sameyn lahayn Qorshe saddex sano  ah kaasi  uusan ahayn mid layska  riyooda oo  kaliya balse uu noqda wax cad loo dalkan lagu hagi karo”.

Dhinca kale Wasiir ku_xigeenka Wasaaraadda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheekh Cali ayaa shir la qaayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Washington iyagoo isla meel dhigeen sidii loo xoojin lahaa Ishaashiga dhaqaalaha ee Mareykanka iyo Soomaaliya.

Sidoo kale Wasiir Ku-xigeenka iyo wafdigii uu hoogaaminayey ayaa  waxay shir la yeesheen Qurbajoogta soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Mareykanka ee Washington iyo Gobollada ku xeeran, waxayna u bandhigeen Qorshaha Horumarinta Qaranka 2017-2019. Waxaa halkaas qurbajoogtu ka soo jeediyeen su’aalo fara badan oo la xiriira Qarshaha Horumarinta Qaranka

Wasiir Ku-xigeenka ayaa dhammaan ka jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen qurba-joogta Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn ka qaybgalayaasha  shirka waxay boogaadiyeenn  habkìi loo diyaariyay Qorshaha Harumarinta qaranka ,iyadoo  la  dhiirriigeliyay Wasaaradda Qorsheynta horumarka ay ka sameysay dhanakaasi.