Donald Trump Oo Xaaska Mid Ka Mid Ah Ciyaartooyda Man United Ku Tilmaamay Gabadha Ugu Qurxoon Aduunka

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka ayaa durba calaamadeystay xaaska xidiga khadka dhexe ee kooxda Man United Bastian Schweinsteiger isagoo ku tilmaamay gabadhii ugu qurxooneyd ee uu arko abid.

Trump ayaa noqday mid ka mid ah dadka ugu awooda badan aduunka kadib markii uu guul lama filaan ah kasoo hooyay doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee dhacday 8-dii bishan waxaana uu afarta sano ee soo aadan ka arimin doona Aqalka Cad.

Donald Trump ayaa ku tuurtay isagoo isha la raacay xidigta tennis-ka Ana Ivanovic .

Gabadhan Serbian-ka ah oo mar aduunka ka aheyd kaalinta koowaad ee dhinaca hablaha ciyaara Tennis-ka ayaa guursatay xidiga Jarmalka Bastian Schweinsteiger xagaagii lasoo dhaafay.

Waxaa uu yiri Trump “Waa haweeneydii ugu qurxooneyd oo aan arko nolasheyda, si fudud waa mid qurux badan.

Waxaa la sheegaa iney kulmeen saddex sano ka hor.