Diblumaasi sare oo ka tirsan Dowladda Ingiriiska ayaa sheegay in dunida ay ka niyad jabi doonto Soomaaliland hadii markale Doorashada Madaxtooyada dib uga dhacdo waqtigii loo qorsheeyay ee ah March 2017.
Safiir ku xigeenka Dowladda Ingiriiska ee Deegaanada Soomaaliyeed Danjire Andre Allena oo saxaafada kula hadlay Magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu Deegaanada Soomaaliland dadka ku nool ku dhiirageliyay in ay sii amba qaadaan nidaamka Dimuquraadiyadeed.
Danjire Andre Allena Safiir ku xigeenka Dowladda Ingiriiska ee Deegaanada Soomaaliyeed ayaa sheegay in Doorashada Soomaaliland Beesha Caalamka ay il gaar ah ku heyso.
Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Axmed (Siilaanyo) ayaa wuxuu ugu baaqay in Golahiisa wakiilada ay dar dar geliyaan nidaamka Doorashada, sidoo kalena loo baahan yahay in waqtigeeda ay ku dhacdo.


