Daniel Sturridge ayaa laba gool u dhaliyay kooxda Liverpool oo kaga badisay Tottenham wareega afaraad ee tartanka League Cuo.
Reds ayaa 10 kulan oo guulo xiriir ah hadda sii mareysa waxaana ay xalay iska xaadirisay quarter-finalka tartanka EFL Cup markii ay 2-1 ku qarajiyeen Spurs.
Weeraryahanka Reds Sturridge ayaa 10 daqiiqo oo kaliya daah furay goolasha kooxdiisa kadib markii uu kubad qurux badan dhax dhigay shabaqa Tottenham.
Jurgen Klopp oo 11 isbedel ku sameeyay shaxdiisa , waxaa uu si walba kaga awood badnaa kooxda Mauricio Pochettino.
Sturridge aya dhaliyay goolka labaad ee Liverpool daqiiqadii 64 ee ciyaarta taas ka dhigtay 2-0 in lagu hogaamiyo kooxda Tottenham.
daqiiqadii 66aad Tottenhma ayaa heshay gool ku laad, waxaa gool u bedelay weeraryahankaJanssen, lakiin wax kama badelin natiijada ciyaarta oo ugu dambeyn noqtay 2-1.


