Gudoomiye Jawaari oo gaaray Jowhar

Jowhar-RisaalaFM- Wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa goor dhow waxa ay gaareen Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka shabeelaha Dhexe.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka, Odhayaasha Dhaqanka iyo xubno kale.

Ujeedka Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu ku aaday Magaalada Jowhar ayaa lagu sheegay sidii uu uga qeyb gali lahaa Doorashada Gudoonka Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle.

Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Waxaa u taagan Sadax Musharax oo lagu kala Magacaabo:-

Abuukar Xasan

Sh Cismaan Barre

Cali Cabdulle Isgoow

Ku xigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Hirshabeelle Waxaa u taagan Hal Musharax oo lagu Magacaabo Cabdi Xuseen Geedi, halka ku xigeenka labaadna ay isku soo Sharaxday Marwo Canab Axmed Ciise.