Wararka inaga soo gaaraya ayaa Isgoyska Ex-control Balcad ee Degmada Hiliwaa ayaa waxa ay sheegayaan Qarax khasaare geystay in uu ka dhacay halkaasi.
Qaraxan ayaa dhacay xalay abaare 03:00 Habeenimo, waxaana nuuciisa uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu Aaso.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa Idaacadda Risaala u sheegay in Miinadaasi ay la qaraxday 3 Dhalinyaro ah oo Shabaab ah, kuwaas oo xilligaasi ku howlanaa Aasida Miinadaasi.
C/fataax Cumar Xalane Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale Wuxuu sheegay Saddexdaasiba in ay goobta ku geeryoodeen.


