Dowladda dalka Kenya ayaa lagu dhaliilay wixii ka dambeeyay weerakii Al-shabaab ay ku qaadeen saldhiga ciidamada dowladda Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Cade ay ku lahaayeen gobolka Gedo 15-kii bisha janaayo ee sanadkan.
Hogaamiyaha xisbiga CORD Reyla Odinga ayaa dowladda Kenya ku eedeeyay in aysan qalabeen fiican siinin ciidamada Kenya kaga sugan Soomaali.
Isaga oo tusaale u soo qaatay weerarkii dhimashada badan sababay ee bartamihii bisha Janaayo ka dhacay deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo.
Wuxuu sheegay ciidamada kenya ee dalka Soomaaliya kaga sugan in aysan ahayn kuwa sidii larabay u hubeysan marka la eego weerarada ay kala kulmeen ururka Al-shabaab sida uu hadalka u dhigay tan iyo wixii ka dambeeyay markii ciidamada Kenya ay u soo galeen gudaha dalka Soomaaliya.
Waa muhiim ayuu yiri in dowladda Soomaaliya ay qalabeyso Ciidankeena ku sugan dalka Soomaaliya.
Waxa aan heleynaa warbixino dheeraad ah oo aan ka heleyno ciidanka Kenya taa oo ah in agab yari ay heysato ciidankeena ku sugan gudaha Soomaaliya ayuu yiri Reyla Odinga hogaamiyaha xisbiga CORD ee dalkaasi Kenya.
Isaga oo ka hadlayay goob lagu aasayay mid ka mid ah askartii ku dhimatay weerarkii deegaanka Ceel Cade ee gobolka Gedo ayuu hadalkaasi jeediyay.
Saraakiil iyo siyaasiyiin badan oo Kenyan ayaa dowladda Kenya ayaa waxa ay ku dhaliileen howlgalka ciidamadooda dalka Soomaaliya iyadoo marar badan Alshabaab gudaha Kenya ay weerar ka geysteen.
Al-Shabaab ayaa waxa ay dagaal adag kula jiraan Kenya, waxaana weerarada ugu badan Kenya ay ka geysteen ay tahay weerarkii ka dhacay dhismaha suuqa Wesgate Mole ee dalka Kenya iyo sidoo kale weerarkii Jaamacada gaarisa oo ay ku dhinteen in ka badan 148 ruux.


