DHAGEYSO: Rajo wanaagsan oo laga muujiyay Akhrinta Dastuurka Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

Jowhar-RisaalaFM- Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujisay Akhrinta Dastuurka uu yeelanayo Maamulka loo sameyanayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Yaxye Cali Ibraahim oo ah Xoghayaha joogtada Wasaarada Arrimaha Gudaha Dowladda federaalka Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in arin wanaagsan ay tahay in la guda galo Akhrinta Dastuurka uu yeelanayo Maamulka loo sameyanayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Ergada shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa ansixiyay Qabyo Qoraalka Maamulka uu yeelanayo, calanka iyo magaca loo bixinayo Maamulka Labada Gobol.

Mudooyinkii dambe waxaa cagajiid uu ka socday shirka Maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana Wasaarada Arrimaha Gudaha ay dadaal ku bixineysaa sidi ay u dar dar gelin laheyd shirkan.