Faarax Macalin oo ka mid ah Siyaasyiinta Kenya ayaa ka hadlay go’aankii Dowladda Soomaaliya ay dib kaga laabatay ee ku aadanaa Joojinta Qaadka, waxaana uu sheegay go’aankaas in uu ahaa mid qaldan.
Faarax Macalin ayaa sheegay in markii ugu horeysay uu ku farxay go’aanka Dowladda Soomaaliya ay ku joojisay Qaadkii ka imaanayay Dalka Kenya, isagoo sheegay Qaadka in uu yahay dhibaato weyn oo haatan heysata shacabka Soomaaliyeed.
Dowladda Soomaaliya ayaa joojisay Qaadkii ka imaan jiray Dalka Kenya, iyadoo markii dambe kulan ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Madaxweynayaasha Labada Dowladood dib loo fasaxay Qaadka.
Soomaaliya maalin kasta waxaa yimaada in ka badan 16 Diyaaradood oo sida Qaad, kuwaas oo ka yimaada Dalka Kenya, waxaana ay Qaadka ku soo dejiyaan Magaalada Muqdisho iyo Gobolada Dalka.


