Madaxweynaha Jabuuti iyo R/Wasaaraha Ethiopia oo soo gaaray Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in goor dhow ay Garoonka ka soo degatay Diyaaradii siday Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafdiga uu hogaaminayo ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno kale.

Dhanka kale Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow soo gaaray Ra’iisul Wasaaraha Dalka Ethiopia, waxaana Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda.

Waxaa sidoo kale goor dhow lagu wadaa in Muqdisho ay soo gaaraan Madax kale oo ka tirsan Urur Goboleedka IGAD, waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Muqdisho gaar ahaan goobta uu ka dhacay shirka.

Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.