Dad loo xiray weerar lagu qaaday Saldhig Boolis

Magaalada Mombasa Todobaadkan waxaa ka dhacay weerar lagu qaaday Saldhig Ciidanka Booliska Mombasa ay ku leeyihiin Magaalada, islamarkaana weerarkaasi ay fuliyeen Haween tooreeyo ku hubaysnaa, ayaa Booliska waxa ay xireen dad ay ku tuhmayaan in ay qayb ka yihiin falalkaasi dhacay.

Ciidamada Booliska oo sameeyay howlgalo ammaanka lagu xaqiijinaayay ayaa soo qabtay Afar ruux oo saddex ka mid ah yihiin Dumar halka ruuxa kalena uu yahay nin Rag.

Wararka waxa ay sheegayaan Afarta ruux ee ciidamada Booliska ay soo qabteen saddex ka mid ah inay yihiin Qaxooti Somali ah oo dalkaasi ku sugan waa sida Warbaahinta Kenya ay tabinayso.

Afartaan ruux ayaa laga soo xiray gurigii ay ka soo baxeen Haweenkii weerarka ku qaaday Saldhiga Booliska Magaalada Mombasa, waxaana ku socoto Baaritaano sida Saraakiisha Booliska ay sheegayaan.

Dumarka Ciidanka ay soo qabteen ayaa lagu kala magacaabaa Siciido Cali Xaaji, Naciimo Maxamed Cali iyo Shukri Cali, weli lama shaacin magaca ruuxa Afaraad oo rag ah.

Booliska waxa ay tilmaamayaan in xubnahan Baaritaano dheeri ah lagu sameyn doono si loo kala cadeeyo in ay raad muuqda ku leeyihiin weerarkii Axadii dhacay iyo in aysan wax raad ah ku laheyn.