Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya oo shalay Al-shabaab kala wareegay Deegaano dhowr ah oo ku yaalla Duleedka Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa arintaasi faah faahin ka bixiyay Maamulka Jubbaland.
Deegaanada Ciidanka Daraawiishta Maamulka Jubbaland iyo Ciidanka Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen ayaa waxaa ka mid ah Deegaanka Cabdalla Biroole oo 60 Km dhanka Galbeed kaga beegan Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada Hoose.
Sidoo kale Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la sheegay in ay la wareegeen Deegaanka Janaay Cabdalla oo isna qiyaastii 60-KM Kismaayo kaga beegan xaga Galbeedka iyo Deegaanka Beerxaani.
Gaashaanle Dhexe Jaamac Axmed Xasan oo ah Afhayeenka Ciidanka Booliska Maamulka Jubbaland oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ayaa sheegay inta ay socdaan Howlgalada ka dhanka ah Shabaab in ay la wareegeen Deegaano iyo Degmooyin ka tirsan Jubbaland.
Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa horey u sheegay in ay bilaaban doonaan Howlgallo ururka Al-shabaab looga saarayo Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gobolka Gedo.



