Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo AMISOM ayaa howgallo waxa ay ka sameeyeen deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howgalka ayaa lagu sheegay in uu ahaa mid lagu xaqiijinayo amniga iyo sidoo kale xasiloonida deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeellaha Hoose , waxaana Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay howgalka kusoo qabtay dad badan oo lagu tuhmaayo in ay Shabaab gacan saar la leeyihiin .
Saraakiil ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay ku dhawaad 10 ruux oo lagu tuhmaayo in ay Shabaab xiriir la leeyihiin.
Weerar ay shalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay kusoo qaadeen saldhig ciidanka dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaanka Lamabar 50 ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.


