DEG DEG:- Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo Caawa Bambo gacmeed lagu weeraray

Muqdisho-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayan in caawa Bambo gacmeed lagu weeraray Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashaandhigga Maxamed Cali Guri uu ka degan yahay degmada Xamar Weyne.

Ilaalada Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga ayaa iska caabin ku sameeyay kooxihii Bambo gacmeedka soo tuuray, waxaana ay ku rideen Rasaas fara badan.

Bambo gacmeedka lagu weeraray Guriga Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali ayaa waxaa ku dhaawacantay 2 Askari oo ka tirsan ilaaladiisa.

Xaalada goobtii Bambo gacmeedka lagu tuuray ayaa waxaa soo gaaray Maamulka degmada Xamar Weyne iyo ciidanka amaanka waxaana halkaasi ay ka wadaan baaritaano.

Ilaa iyo hada ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyada weerarka caawa lagu qaaday Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali.