Muqdisho-RisaalaFM- Wararka ka imaanaya degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in iska hor imaad uu ka dhacay xerada Badbaado ee degmadaasi.
Iska hor imaadka ayaa wuxuu u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kooxo ku labisan Dareeska ciidanka Militariga Soomaaliya.
Inta la ogyahay is rasaaseyntan ayaa waxaa ku dhaawacmay Taliyaha Booliska saldhiga Degmada Dharkeynley Jimcaale Cabdow Maxamed iyo Labo Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM, sida Risaala ay u xaqiijiyeen Maamulka Degmada Dharekynley.
Dadka deegaanka ayaa Risaala u sheegay in kooxo burcad ah xilliyadii habeenkii ay dhac ka geystaan Degmada Dharkeynley taasina ay keentay in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgal ka dhan ah kooxdaasi ay bilaabaan.
Taliyaha Booliska saldhiga Degmada Dharkeynley Jimcaale Cabdow Maxamed iyo Labada Askari ee ka tirsan ciidanka AMISOM aya dhaawacooda loo qaaday xero Ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin xaruntii hore ee Jaamacadda Umadda.


