Sh/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM Qarax lagu eegtay inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Balidoogle.
Al-shabaab ayaa war qoraal ah oo ay ku soo qoreen Baraha ay warakooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen in Qarax khasaare geystay ay la eegteen kolonyo ka tirsan ciidanka AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Balidoogle.
Al-shabaab ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in kolonyada ciidanka AMISOM ee ay Qaraxa la eegteen ay sahay ka soo qaadeen Garoonka Diyaaradaha ee Balidoogle iyadoo sahaydaasi ay u wadeen deegeeno ka tirsan gobolka Baay.
Waxa ay sheegeen in ay Qaraxaasi uu qabsaday mid ka mid kolonyada ciidanka AMISOM ee ku sii jeeday gobolka Baay.
AMISOM weli kama aysan hadlin Qaraxan la sheegay in lagula eegtay inta u dhaxeysa Deegaanada Leego iyo Balidoogle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.


