DHAGEYSO: Sarkaal Shabaab ka tirsanaa oo lagu dilay gobolka Hiiraan

Waxaa faah faahin dheeraad ay ka soo baxeysaa Dagaal ciidanka dowladda iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaanka Luuq Jeelow ee gobolka Hiiraan halkaas oo lagu dilay sarkaal ka tirsan Al-shabaab.

Dilka Sarkaalkaan ayaa la sheegay inay ka dambeeyeen Maleeshiyaad hubaysan oo taageersan Dowladda Somaliya, Shabaabna dagaal adag kula jira, kuwaasi oo ku sugan qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan.

Abaanduulaha ciidanka Xoogga ee gobolka Hiiraan ayaa Risaala uga warbixiyay sarkaalka Shabaab ka tirsanaa ee deegaanka Luuq jeelow lagu dilay.